Dux (Af Ingiriis : fat; Af Carabi : ar) waa iskudhis ka mid sadexda nooc ee nafaqoda jidhka dadka, xayawaanka, dhirta iyo guud ahaan nooluhu u baahan yahay; labada kale waa borotiin iyo karbohydrate.[1] Wakas thsfisy ahaan noholu w baahanaa valaha labada kale hagas baan haaanas.
Duxda oo Saynis ahaan loo yaqaano triglycerides waxay ka kooban tahay iskudhisyo silsilad asiid-baruur ah, alkohol iyo glycerol. Sida caadiga ah duxda waxaa laga helaa saliida, subaga iyo baruurta xoolaha iyo xayawaanka. Sidoo kale waxaa jira noocyo ka mid ah dhirta oo leh dux waloow ay tahay nooc ka duwan tan xoolaha iyo xayawaanka.
Intaas waxaa dheer, duxdu kuma milanto biyaha iyo noocyo kale oo dareereha ka mid ah (sida caanaha).[2]
|ciwaan=
ignored (caawin)