Sida laga soo wariyey xadiiskaNabi Muxamed (n.n.k.h) magacyada Ilaahay ma ahan kuwo la soo koobi karo, laakiin 99ka Magac ee Ilaahay waa kuwo ka mid ah sharaxaada awooda iyo astaamaha Alle (s.w). Xadiis uu nabiga ka soo weriyey asxaabiga Cabdilahi ibn Mascuud wuxuu sheegay in magacyada Ilaahay qaarkood laga qariyey aadamaha sababtoo ah maskaxdoodu maba qaadi karto.[5]
Masjid ay u xardhan tahay 99ka Magac ee Ilaahay
Ilaahay wuxuu ku yidhi kitaabka Quraanka: “اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى” “Ilaahay, alle kale ma jiro Asaga mooyee, wuxuu leeyahay Magacyo sharfoon” (surat Dặh, Ayad 8aad).
Marka la tixraaco diinta Islaamka,[6]Nabi Muxamed (c.s.w) ayaa soo ururiyey magacyada Alle, taasi ooy ku xusan tahay xadiisyo badan. In badan oo Magacyada Alle ah waxay ku xusan yihiin kitaabkaQuraanka, qaar kale waxa laga dhex helay xadiisyada, qaar badana waxay ku dhex jiraan labadoodaba.[7]
Xadiis la isku raacsan yahay oo "saxiis Muslim" ah waxaa uu sheegaya:
Abu Hurayra waxuu soo weriyey inuu maqlay NabigaAlle (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaatoee) oo leh: "Waxaa jira sagaashan-iyo-sagaal magac oo Alle; qofkii xafida wuxuu toos u galayaa Janada. Waxaan idiin xaqiijinayaa in Ilaahay yahay kinsi (Alle waa kali waana kinsi) wuxuuna jecel yahay tirada kinsiga ah."
—Waxa soo wariyey Muslim ibn al-Hajjaj Nishapuri Waa xadiis Saxiix Muslim ah[8]
الرسول محمد ﷺ فقال: "إن لله تسعة وتسعين اسما، مائة إلا واحدا، من أحصاها دخل الجنة"
=99ka Magac ee ilaahey
الله الرحمن الرحيم الملك القدوس السلام المؤمن المهيمن العزيز الجبار المتكبر الخالق البارئ المصور الغفار الغفار الوهاب الرزاق الفتاح العليم القابض الباسط الخَافِض الرافع المعز المذل السميع البصير الحكم العدل اللطيف الخبير الحليم العظيم الغفور الشكور العلي الكبير الحفيظ المقيت الواسع الحسيب الجليل الكريم الرقيب المجيب الحكيم الودود المجيد الباعث الشهيد الحق الوكيل القوي المتين الولي الحميد المحصي المبدئ المعيد المحيي المميت الحي القيوم الواجد الماجد الواحد الاحد الصمد القادر المقتدر المقدم المؤخر الأول الأخر الظاهر الباطن الوالي المتعالي البر التواب المنتقم العفو الرؤوف مالك الملك ذو الجلال والإكرام المقسط الجامع الغني المغني المانع الضار النافع النور الهادي البديع الباقي الوارث الرشيد الصبور