Maskaxda (Af Ingiriis : brain) waa qebta maamusha dhamaan xubnaha jidhka noolaha taasi oo ku taala madaxa. Waa meesha xukunta dareenka, dhaq dhaqaaqa ama nuux nuuxsiga, jirka oo dhan. Maskax da waxay leedahay Nerfayaal malaayiin ka badan.
Maskaxdu waa xarunta awoodda jidhka,waxkastana iyada ka ayay ka dhacaan.Maskaxdu iyadaa xukunta fekerka,dhaqaaqa,cunista,barashada iyo neefsiga.Maskaxdu waxay ka kooban tahay laba dhinac; dhinac midig iyo dhinaca bidix ee maskaxda[1]. Maskaxdu waxay ka dhisan tahay sadex qaybood oo waaweyn Seribrum,Seribulum iyo Jirrid maskaxeedda. Seriburum waa qaybta ugu ballaadhan waxa ka mid ah (Frontal lobe)lab hore,(Parietal lobe) laabka koodka,(Temporal lobe)iyo laabka dhafoorka (and Occipital lobe) laabka qadaadka.Maskaxdu waxa kale oo leedahay Laabka Seribulum lobe, laabka Limbic lobe iyo jirridda maskaxda.Maskaxdu waxay u dhisan tahay si qaabaysan.Sannadihii 1900kii Cilmibaadhayaashu waxay ogaadeen meelo badan oo ay u bixiyeen bedadka Broadman.Qayb kasta oo ka mid ah qaybahaa waxay u gaar tahay inay farsamayso jaad(nooc) gaar ah oo war ah.Tani waxaa si la adeegsadaa cilmi baadhista maskaxda si ay u tilaamaanto qaybta maxkaxeed ee cilimi baaristu tilmaamayso.[2]
Dhamaan qaybahaa kala duwan ee maskaxda waxay xukumaan shaqooyin kala duwan ee jidhka iyo maanka.
Maskaxdu waa qayb ka mid ah hab dhiska dareenwadka iyadoo marka lagu daro Xangulada.Hawsha maskaxdu waa inay xukunto dhaqaaqyada,barashada,xusuusta,dareemista,xukumidda xubnaha iyo wax kasta oo aadamuhu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo.Maskaxdu waa u lagama maarmaan taasoo ah meesha ugu muhiimsan ee xukunta shaqa kasta oo maskadu qabto. Maskaxda aadamuhu marka uu dhasho waa 350 gram hase yeeshee marka ilmihu sannnadka jiro waxay kortaa ilaa 1 kiilo.Qofka qaangaadhka ah maskadiisu waa qiyaastii 1,2-1,5 kiilo.