Mayami, Florida | |
---|---|
Caasimada Mayami | |
Ka so biloow kor, bidix ilaa midig: Dhismaha dheer Farasmagaalka Mayami (Downtown), Freedom Tower, Villa Vizcaya, Miami Tower, Xeebta Virginia Key, Xarunta hidaha iyo dhaqank Adrienne, AmericanAirlines Arena, Dekada Miami, Dayaxa ka muuqda Miami | |
Nickname(s): "Caasimada Sirta," "Albaabka America," "Caasimada Latin America"[1] | |
Wadanka | Maraykanka |
Gobol | Florida |
Degmo | Miami-Dade |
La degay | 1825 |
Dowlada-hoose | Luuliyo 28, 1896 |
Named for | Mayaimi |
Dowlada | |
• Nuuca | Duqa-magaalada |
• Duqa-magaalada | Tomás Regalado (Jamhuuriya) |
• Xoghayaha Caasimada | Daniel J. Alfonso |
Area | 55.27 sq mi (143.1 km2) |
• Land | 35.68 sq mi (92.4 km2) |
• Water | 19.59 sq mi (50.7 km2) |
• Urban | 1,116.1 sq mi (2,891 km2) |
• Metro | 6,137 sq mi (15,890 km2) |
Joogga | 6 ft (2 m) |
Highest elevation | 42 ft (13 m) |
Tirada dadka | |
• Caasimad | 399,457 |
• Estimate (2013) | 417,650 |
• Rank | 44aad, U.S. |
• Cufnaanta dadka | 11,135.9/sq mi (4,299.6/km2) |
• Urban | 5,502,379 (4aad U.S) |
• Metro | 5,564,635 (8aad U.S) |
Magac kale | Miamian |
Aag saacadeed | UTC-5 (Wakhtiga Bari (EST)) |
• Xagaa (DST) | UTC-4 (EDT) |
ZIP Kodh | 33010–33299 |
Furaha | Area code 305, Area code 786 |
Website | miamigov.com |
Mayami, Miami (/æmi/; (Af-Isbaanish: maiˈami)[7]) waa magaalo ku taala Badweynta Atlaantik ee xeebaha koonfurbari gobolka Florida wadanka Maraykanka. Magaalada Miami waa fadhiga dowlada degmada Mayami-Dale ee maamusha deegaano badan oo ka tirsan gobolka Foloriida. Marka la xisaabinayo dadka iyo shacabka, magaalada Mayaami waa mida 44aad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanaka, waxayna leedahay shacab dhan 417,650 (tiro-koobtii 2013ka0.[8][9]
Marka lagu daro deegaanada nawaaxiga ee hoosyimaada dowlad hoose ee Mayaami Metropolitan waa mida 8aad ee ugu dadka badan liiska dalka Maraykanaka, taasi oo leh dad gaadhaya 5.5 milyan bulsho ah.[10][11]
Mayaami waa xarun iyo hogaanka dhaqaalaha, ganacsiga, dhaqanka, madadaalada, farshaxanka, waxbarashada iyo ganacsiga caalamiga ah.[12][13] Sanadkii 2012ka waxaa la isla afgartey in magaalada Miyaami tahay Caasimad Aduunka ah (Alpha World City).[14] Xaga dhaqaalaha magaalada Miyaami waxaa lagu sheegay ineey tahay magaalada 7aad ee ugu dhaqaalaha badan magaalooyinka wadanka Maraykanka, sidoo kale waa magaalada 33aad ee caalamka.[15]
Magaalada Mayaami waxay caan ku tahay xeebaha quruxda badan iyo cimilada kulul sanadka oo dhan, taasi oo noqotey mid aad u soo jiidata dalxiisayaasha wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba.[16] Magaalada Mayaami waxaa ku dhaqan dad aad u badan oo leh dhaqano kala duwan oo matala meelo badan oo dunida ah. Waxaanay magaaladani ku caan tahay madadaalada iyo dalxiiska.[17] Sidoo kale, Mayaami waxaa lagu magacaaba "Caasimada Latin Ameerika" sababtoo ah waxaa ku dhaqan tiro aad u badan oo dad ka soo jeeda wadanada Laatiin Ameerika,[1] waxaana loo aqoonsan yahay magaalada labaad ee ugu badan dadka ku hadla Isbaanishka,[18] sidoo kale waa magaalada ugu badan eey ku dhaqan yihiin dadka ka soo jeeda wadanka Kuuba.[19]
Farasmagaalka magaalada Mayaami waxay xarun u tahay qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadankan Maraykanka; kuwaasi waxaa ka mid ah bankiyo caalami ah, xarumo cilmibaadhis, caafimaad, biotechnology, teknoolojiyad, goobo madaalo, iyo shirkadaha dalxiiska xeebaha iyo badaha[20][21][22][23]
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date=, |archive-date=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|title=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)