Hiddaha iyo Dhaqanka | Sooyaal | Juqraafi | Taariikh | Xisaab | Saynis | Bulsho | Farsamo | Falsafad | Diimaha | Tusmo | Cunto |
Portalka Woqooyiga AmeerikaWoqooyiga Ameerika waa qaarad dhacda qeybta waqooyi ee Dhulka. Waxa dhinaca waqooyi ka xiga Badweynta Arktik, dhinaca bari waxaa ka dhaca Waqooyiga Badweynta Atlaantik, dhanka koonfurbari waxaa ka dhaca Bada Kaaribiyaanka, waxaa koonfurta iyo galbeedka ka dhaca Badweynta Baasifiga; halka Qaarada Koonfur Ameerika ka xigto koonfurbari. Guud ahaan, qaarada Waqooyiga Ameerika waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg yahay 24,709,000 square kilometers (9,540,000 square miles), taasi oo u dhiganta 4.8% oogada dunida ama ilaa 16.5% baaxada qaaradaha. Tirokoob dadka ah oo la sameeyay Luuliyo 2008, waxaa qaaradan ku noolaa dad gaadhaya 529 milyan. Dhinaca kale, qaarada Waqooyiga Ameerika waa tan sadexaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka; waxaa ka wayn kaliya Aasiya iyo Afrika. Sidoo kale qaaradani waa mida afaraad ee ugu dadka badan; waxaa ka horeeya Aasiya, Afrika, iyo Yurub. Qaarada Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika waxaa loo yaqaanaa Ameerika, taasi oo ah magac ay wadaagaan. ![]() Sida ku xusan taariikhda, labadan qaaradood waxaa loogu magac-daray nin sahamiye ahaa oo u dhashay wadanka Talyaaniga kaasi oo magaciisa la odhan jirey Amerigo Vespucci. Ninkani wuxuu qaaradahan sahan ku tagay wakhtiyadii u dhaxaysay 1497 iyo 1502. WadanadaMaqaal xul ah
Xarunta Sare Qaramada Midoobay sidoo kale Fadhiga Qaramada Midoobay waa dhisme aad u wayn oo ku yaala caasimada New York wadanka Maraykanka. Badhtamihii Diisambar 1945, ayaa Golaha Guurtida Maraykanka iyo Aqalka Wakiiladu u codeeyeen in Ururuka Qaramada Midoobay laga codsado ineey Xarunta Sare ka dhisato wadanka Maraykanka. Arintaasi way aqbashay Qaramada Midoobay, waxayna deegaan ka salaxatay bariga caasimada New York halkaasi oo ay ku iibsatey lacag dhan US $8.5 milyan oo ahayd lacag deeq ah. Dhismaha oo socday labo sano (1949 ilaa 1950) waxaa la furay Xarunta Sare Qaramada Midoobay Janaayo 9, 1951, inkastoo la dhamaystiray dhismaha bishii Oktoobar 9, 1952. Inkastoo xarunta ugu muhiimsan ku taalo caasimada New York, ururku wuxuu xafiisyo waaweyn ku leeyahay Jeniifa, Heeg, Fiyeena, Nayroobi iyo meelo kale oo badan.
Sawir xul ah![]() MaqaaloCategoriesPortal la xidhiidhaMashaariic Bahwadaag
|