Qiime sugan ((Af-Ingiriis: Absolute Value)) waa Fansaar xisaabeed waxaana lagu gartaa saddexdaan astaamood:
Qiimaha suga ee tira kasta waa tiro togan waxay doonto tirada markii hore ha ahaatee.
Qiimaha sugan ee xarriiqa tirada
<> Haddaad lix tallaabo ugu socotid unugga 0 xagga midigta waxaad gaareysaa K oo kulankeedu yahay 6, marka waa inaad ogaataa fogaanta L iyo unuggu isu jiraan in ay lamid tahay fogaanta K iyo unuggu isu jiraan. Haddaba qiimaga suga ee -6 iyo +6 waa fogaanta L iyo 0 isu jiraan iyo fogaanta K iyo 0 isu jiraan; waana 6.
Asatada u go'an qiimaha sugan waa laba xarriiqood oo qotama oo labada hareerood laga mariyo tirada qiimaheeda suagan la doonayo.
Marka fogaan L iyo 0 isu jiraan
= | -6 | = 6
Fogaanta K iyo 0 isu jiraa
= | +6 | = 6