![]() |
Qeyb ka mid ah silsilada |
Dhaqanka Soomaaliya |
---|
Dhaqanka |
Bulshada |
Diimaha |
Luuqada |
Siyaasad |
Suugaanta Soomaalida (Af Ingiriis : Somali literature) waa qeyb ka mid ah dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan fanka iyo suugaanta u khaaska ah dadka Soomaalida ah meel kasta oo dunida kaga dhaqan yihiin. Suugaanta Soomaalida waxaa loo kala saaraa noocyo badan; kuwaasi waxaa ka mid ah gabayga, geeraarka, heesaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo noocyo badan oo kale.