Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors.
Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Responsive image


Suxufi Ibraahim

Suxufi Ibraahim

Nebi Ibraahim (c.s) waxaa lagu soo dejiyay kitaabka Suxufiga.
اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim") waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim.[1][2] Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.[3]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

  1. "Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim"
  2. ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim"
  3. "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
  4. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  5. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  6. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  7. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  8. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud

Previous Page Next Page