Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors.
Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Responsive image


User:Ismail4all

Ismaaciil Suge

Hordhac

Maanta waa 31 Jannaayo 2025.
Hada wakhtigu waa 10:47.
Isticmaalahan waa Soomaali
Isticmaalahan wuxuu jecelyahay nabada Soomaaliya


Ismaaciil

اسماعيل حريد
Ku dhashayBorama, Awdal
DegenaanshoCamuud, Awdal
QoomiyadaSoomaali
Dhalasho Soomaaliya, Somaliland
ShaqadaArday, Qoraa, shaqaale warshad
Loo yaqaanoWax ku qora Somali Wikipedia
DiintaSuufi Islaam
Website
ismail4ever.net


Ismaaciil (carabi: اسماعيل) (dhashay Maayo 18, 1985) waa nin dhalinyaro ka mid ah Soomaalida ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan wadanka Maraykanka. Waxaan ku dhashay magaalada Borama, Awdal, waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland. Waxaan ahay mid ka mid ah dhalinta ku barbaartey wadankan ee wax ku baratey isla markaana ku nool maanta. Waxaan aad u jecelahay "Horumarka iyo Nabada Wadanka Soomaaliya", sidoo kale taageeraa Midowga Shanta Soomaaliyeed.

Guud ahaan, waxaan xiiseeyaa akhriska iyo qoritaanka, taasi oo ii suurtogelisay inaan maqaalo badan ku qoro halka tan Soomaali Wikipedia. Sidoo kale, waxaan xiiseeyaa isticmaalka aalada internetka.

Marka aad fiiriso horumarka maanta caalamku gaadhay, waxaa aad loo horumariyey luuqadaha bulshooyinka aduunka, marka laga reebo Luuqada Soomaaliga oo aan haad heysan. Inkastoo aan kali ahay, hadana mar walba waxaan jecelahay oon niyada ku hayaa inaan ka qeybqaato sidii loo kobcin lahaa luuqadeena hooyo oo looga dhigi lahaa mid horumarsan oo la jaanqaadi karta luuqadaha caalamka. Taasi darteed, waxaan go'aansadey inaan wakhti siiyo horumarinta luuqada hooyo. Mashruucii ugu horeeyay een ka qeyb qaato wuxuu ahaa Google community Somali translation (mashruuc lacag la'aan ku turjumo luuqada Soomaaliga).

Dabcan Somali Wikipedia waa meel maanta liidata marka la barbar dhigo kuwa kale, laakiin waxaan aaminsanahay in "Guurguurasho lagu guryo gaadho".

Waxqorkeyga

Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.

Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga. Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha. Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.

Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.

Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.

Howlaha iyo Shaqada halkan

Sida aad ka dheregsan tahay, Soomaali Wikipedia waxaa ka socdo howlo badan oo iskugu jira wax qoris, qoraal habayn iyo hagaajin, ilaalada bogaga muhiimka ah, hagaajinta khaladka iyo kobcinta bulshada Soomaali Wikipedia. Sanadihii ugu horeeysay waxaan ku qaatey samaynta bogag cusub, balaadhinta bogaga gumudka ah iyo hagaajinta maqaalada. Si kastaba ha ahaatee, horaantii 2015 ayaan codsadey maamulenimo ku meel gaadh ah si aan u difaaco bogag badan oon qoray iyo kuwo kale oo dayacnaa. Badhtamihii 2016ka waxaan noqdey maamuleha kaliya ee Soomaali ah ee ka howlgala Wikipedia Soomaaliga.

Guud ahaan bogaga iyo maqaalada aan ka qeyb qaatey (kuwo aan sameeyay, wax-ku-daray, balaadhiyay iyo qurxiyay) aad ayay u badan yihiin oo tiradooda aniga lafteydu ma hayo, laakiin waxaan ogahay:

Tallo, Tusaale & Su'aal

Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.

Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.

Xasuusin

  Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
  Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
  • Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
  • Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
  • Fadlan fariintaada haku darin fariimaha kale, qeyb yar oo cusub bilaaw...
  • Ha ilaawin inaad saxeexdo.
  • Fadlan wax cay ah ama aflagaado ah haku qorin meeshaan.

Fariintaada meeshaan ku qor (Riix)

  Xasuusnoow Qodobadan
  • Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
  • Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
  • Waajib ayaa kaa saaran horumarinta luuqadeena hooyo, sidaas darteed ka qeyb qaado horumarka bulshadaada.
  • Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
  • Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
  • Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
  • Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!

Bilad Sharaf

  Bilad Sharaf Soomaali

Mashruucyo kale

Wikipedia:Babel
so Isticmaalahan Soomaaliga waa afkiisa hooyo.
en-2 This user is able to contribute with an intermediate level of English.


ar-3 يمكن هؤلاء المستخدمين يتكلموا اللغة العربية مدى متوسط مستوى العربية.
da-3 Denne bruger er i stand til at bidrage med en avanceret niveau på dansk.
fi-3 Tämä käyttäjä pystyy kirjoittamaan edistyneesti suomen kieltä.


Raadi luqad isticmaalayaasha

Maqaaladii ugu dambeeyay

30 Jannaayo 2025

29 Jannaayo 2025

27 Jannaayo 2025

  • 05:1505:15, 27 Jannaayo 2025 Naftirka (taariikh | wax ka badal) [1,623 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|naftirka '''Naftirka''' ({{lang-en|self}};) waa faalo akan oo faracyo badan leh, waxaana badanaa laga hadlayaa murtimaalka, cilmi-nafsiga, iyo dhaqamo ruuxi. Si guud, naftu waxay tilmaamaysaa dareenka qofka ee cidda uu yahay, aqoonsigiisa, iyo haybtiisa gaar ahaaneed. Waa sida aad u aragto naftaada, sida aad la xiriirto dunida, iyo sida aad u qeexdo fikradahaaga, dareenkaaga, iyo falalkaaga. Falsaf...)
  • 01:5501:55, 27 Jannaayo 2025 Xiddigasheeg (taariikh | wax ka badal) [985 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''xiddigasheeg''' ({{lang-en|astrology}};) waa daraasad ku saabsan sida meelaynta iyo dhaqdhaqaaqa walxaha cirka (sida meerayaasha, xiddigaha, iyo dayaxa) ay u saameyn karaan dhacdooyinka dhulka iyo dabeecadda aadanaha. Waxa uu ku saleysan yahay fikradda ah in ay jirto xiriir u dhexeeya waxa ka dhacaya cirka iyo waxa ka dhacaya dhulka. Dadku badanaa waxay eegaan calaamadaha zodiak-ga, kuwaas oo la xiriira taariikhda dhalashadooda, si ay u helaan macluumaad ku saabsan dabeecadd...)

25 Jannaayo 2025

  • 14:0714:07, 25 Jannaayo 2025 Diinbadeed (taariikh | wax ka badal) [1,264 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|diinbadeed '''Diinbadeed''' waa nooc ka mid ah diindiinada ee ku jira superfamilyga Chelonioidea, ee ku jira qoyska dhexaad ee Testudines ka tirsan qyska hoosaad ee Cryptodira. Waa na xayawaanka badda ee xamaarato, kaas oo inta badan noloshiisa ku qaata badda. Si ka duwan xamaarataha dhulka ku nool, diinbadeed waxaa loogu talagalay inay ku noolaadaan badda, iyagoo leh dhahaar si fiican u qaabaysan iyo lugo u eg dacas...)

24 Jannaayo 2025

  • 23:4923:49, 24 Jannaayo 2025 Aqoondirsad (taariikh | wax ka badal) [1,466 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|dad waraaqo aqoondirsad qorey '''Aqoondirsadka''' ({{lang-en|brainstorm, brainstorming}};) waa hab hal-abuurnimo urureysan oo lagu dadaalayo in la helo xal loogu talagalay dhibaato gaar ah iyadoo la ururinayo liis fikrado ah oo si iska cad uga qayb qaataan xubnaha kooxda. Si kale haddii loo dhigo, heshiiska fikirka waa xaalad ay koox dad ah ku kulmaan si ay u abuuraan fikrado iyo xalal cusub oo ku saabsan meel gaar ah oo ay xii...)
  • 23:0523:05, 24 Jannaayo 2025 Maadgaarka (taariikh | wax ka badal) [3,465 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|Plato & Aristoteles '''gaarka maadleyda''' ({{lang-en|self-actualization}};) ama '''is-garashada''' waxay tilmaamaysaa, siyaabo kala duwan, ee aragtiyada cilmi-nafsiga, sida caadiga ah, ujeedada nooluhu inuu horumariyo dhammaan fursadaha kobcintiisa. Waxa loo isticmaalaa gaar ahaan horumarinta nafta, waxayna tilmaamaysaa janjeeraadka qofka inuu naftiisa u kobciyo oo uu u horumariyo sida qof. Erayga waxa markii hore soo bandhigay dhaqan...) originally created as "Gaarka maadleyda"
  • 18:5718:57, 24 Jannaayo 2025 Shuun (taariikh | wax ka badal) [1,917 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|shunka labka (bidix) shuunka dheddig (midig) '''Shuunka''' (ingiriis: pubic hair) waa timooyinka jirka ee ku yaal aagga saxaaxada iyo guud ahaan xubnaha taranka ee dadka dhalinyarada ah iyo dadka qaangaarka ah. Timooyinkani waxay ku yaalliin agagaarka xubnaha taranka, mararka qaarkoodna waxaa laga helaa dusha sare ee gudaha lugaha, xitaa waxay sii faafaan dhinaca perineumka iyo agagaarka adeega dabada. Shuunka waxaa sidoo kale la...)
  • 14:5614:56, 24 Jannaayo 2025 Caanaqub (taariikh | wax ka badal) [2,191 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|caanaqub '''Caanaqub''' ( {{lang-en|porcupine}}) waa jiirka waaweyn oo leh jaakado ka sameysan toosan ama cawlan, kuwaas oo ka difaaca inay cunaan. Eraygaas wuxuu ku saabsan yahay laba qoys oo xayawaan ah: caanaqubka Dunida Qadiimiga ah ee qoyska Hystricidae, iyo caanaqubka Dunida Cusub ee qoyska Erethizontidae. Labada qoys waxay ka tirsan yihiin hoos-u-qaybta Hystricognathi ee ka mid ah qoyska xayawaanka Rodentia, waxaana ay leeyihiin...)
  • 14:0014:00, 24 Jannaayo 2025 Lo'gisi (taariikh | wax ka badal) [2,163 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: thumb|lo'gisi '''lo'gisi''' ( {{lang-en|buffalo}}) waa xayawaan weyn oo ka tirsan qoyska lo’da ee ku nool Bariga Afrika iyo Koonfurta Saxaraha. Waxaa jira shan nooc oo la aqoonsan yahay, kuwaas oo inta badan hoggansidaha sayniska ansixiyeen: Syncerus caffer caffer, Lo'gisi Kayp, waa nooca caadiga ah, sidoo kale waa nooca ugu weyn, oo laga helo Koonfurta iyo Bariga Afrika. S. c. nanus, lo'gisiga kayn...)

23 Jannaayo 2025

  • 09:5509:55, 23 Jannaayo 2025 Heshiiska israel iyo Hamas 2025 (taariikh | wax ka badal) [658 bayt] 91.234.214.10 (wadahadal) (Bog cusub: Heshinka israel iyo Hamas 2025» * {{Flag|Israel}} * {{Flag|Palestine}} Heshiis nabadeed oo dhex maray Israa'iil iyo Xamaas si loo sii daayo maxaabiista la haysto tan iyo weerarradii hmas ee Israa'iil ee codbixinta Aasiya Oktoobar 2023, waxay joojisay dagaalladii u dhexeeyay waddanka iyo 6 toddobaad oo uu hakad ku jiray dagaalka gobolka Aasiya) originally created as "Heshinka israel iyo Hamas 2025"

22 Jannaayo 2025

  • 11:3311:33, 22 Jannaayo 2025 Ciise Muuse (taariikh | wax ka badal) [913 bayt] 197.231.201.213 (wadahadal) (Bog cusub: == Ciise Muuse== ***** Aadan Ciise ****** Jibriil Aadan ******* Mohamoud Jibril ******* Xasan Jibriil ******* Ibraahim Jibriil ******* Ismaaciil Jibriil ***** Abokor Ciise ******Hasan Abokor *******Balle Hasan *******Muse Hasan ***** Idarys Ciise ****** cabdi waadhor ******* reer daahir ******* reer hayaan ****** Cali waadhor ***** Maxamed Ciise ****** Mukhtaar Maxamed ****** Xasan Maxamed ******* Jibriil Maxamed ******** Cumar Jibriil ******** Abokor Jibriil ******** Yoonis Jib...) Tag: wax ka badalka muuqaalka ah

21 Jannaayo 2025

20 Jannaayo 2025

  • 18:1418:14, 20 Jannaayo 2025 Maxamed Daoud (taariikh | wax ka badal) [2,850 bayt] 197.231.201.198 (wadahadal) (Bog cusub: Beesha maxamed Daoud waa beel ka mida beelwaynata Ciidagale ****Daoud (Eidagalle) *****Mohamed Daoud (Guyoobe) ******Ali Mohamed (Afwayne) (5 Clan branch) ******Urkurag Mohamed *******Ali Urkurag ********Fiqi Sa'ad Ali ********Mahamoud Ali ********Ahmed Ali ********Ismail Ali (Gadhwayn) *********Ali Ismail **********Osman Ali **********Jama Ali **********Awga Ali **********Yonis Ali **********Ileiye Ali **********Hagga Ali **********Aden Ali ***********Guled Aden ***********Ali A...) Tag: wax ka badalka muuqaalka ah

List of abbreviations:
D
Wikidata wax ka badal
C
Wax badalkaan wuxuu abuuray bog cusub (sidoo kale eeg liiska bogagga cusub)
y
Kan waa wax badal yar
b
Wax badalkaan waxaa fuliyay bot
(±123)
Qaadka bogga wuxuu ku bedelmay tirada halbeega baytka

31 Jannaayo 2025

30 Jannaayo 2025


Previous Page Next Page








Responsive image

Responsive image