Qabyaalada

Qabyaalada, Qabiileysi ama Qoloqoleysi (ingiriis: Tribalism, carabi: قبلية) waa nooc oo ka mid ah midabtakoor. Waa na marxalada tiro dad ah isku ururiyaan, yimaadaan, hiishadaan, taageeraan ama iskugu xidhan yihiin ayagoo xidhiidhka ka dhexeeya yahay in hal qabiil ka soo wada jeedaan ama heyb wadaagaan, kuwaasi oo daacad u ah danaha qabiilka isla markaana u hogaasan danta beeshaas ama qabiilkaasi laguna colaadiyo oo lagu naco cidaha kale.

Qabyaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu liita dhaqanada aduunka ee baabi'in kara bulsho kasta xataa hadii ay diin, dhaqan, deegaan, luuqad iyo wadan wadaagaan. Tusaale fiican waxaa u ah dhibaatada ay Soomaaliya la kuftey ee ilaa maanta ka soo kaban laadahay.

Qabyaalada waxa Ku Adeegta Qof Aan is Garanayn cida uu yahay Aminsanayna in uu leyahay Awoodo dabeeci ah oo uu ku gaadhi karo waxa uu rabo inuu qabyaalad ku gaadho qof qabyaalad isticmaala ama wehel ka dhigtaa ma garanayo Awoodo naftiisa ku jirta iskumana kalsoona inuu shaqsi ahaanti wax qabsan karo oo uu Guulaysan karo.

Sida la wada ogyahay mar hadddii dadku diintooda ka runsheegaan oo caqiidadu si fiican uga daadagto waxaa ka baxaya haraadigii aragtiyaha xun xun, iyo qiimayntii khaldanayd ee wax lagu miisaami jiray,


Qabyaalada

Dodaje.pl - Ogłoszenia lokalne