Somali Region (Deegaanka Soomaalida)
የሶማሌ ክልል | |
---|---|
Dawladda Deegaanka Soomaalida. | |
Qariirada Itoobiya oo muujinaya gobolka somaligalbeed | |
Dalka | Itoobiya |
Caasimadda | Jigjiga |
Dowlada | |
• Madaxweynaha Imminka | Mustafe Muxumed Cumar |
• Madaxweyne ku xigeenka kumeelgaarka ah | Ibraahim Cusmaan |
Area | 327,068 km2 (126,282 sq mi) |
Area rank | 2aad |
Tirada dadka (2017) | |
• Dhammaan | 9.654 million[1] |
Magac kale | Soomaali |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Furaha | +251 |
ISO 3166 code | ET-SO |
HDI (2017) | 0.409[2] low · 10th |
Dawladda Deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed oo loo soo gaabiyo DDS waa maamulka iyo dowlada deegaada Soomaali Galbeed ee maanta ka tirsan dowlada Itoobiya.Dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu ka mid yahay sagaalka dawlad deegaan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Wuxuu ku fadhiyaa dhulka bariga iyo bari-koonfureed ee dalka Itoobiya. Baaxadda dhulka waxa lagu qiyaasaa 350,000 km2.Deegaanku wuxuu ku dhacayaa inta u dhaxaysa loolka 40-110 Waqooyi iyo Dhigta 40 -48 0E Bari.
Deegaanku wuxuu xad la leeyahay, dhinaca konfureed waxa ka xiga Kenya, dhinaca bari iyo koonfur bari waxa ka xiga Soomaaliya, dhinaca galbeed iyo koonfur waxa ka xiga deegaanka Oromiya, dhinaca galbeed iyo waqooyi galbeedna waxa ka xiga deegaanka canfarta.Deegaanku inta uu ka sarreeyo badda waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 500-1600 meters. Cimilada deegaanka soomaalida waxa lagu qiyaasaa dhul daaqsin isugu jira oomane, dhul kooban oo hela roob ku filan iyo dhul ay maraan wabiyo kala duwan. Heer-kulka deegaanku wuxuu u dhaxeyaa 20-45°C Celceliska roobka degaanku helaa wuxuu u dhaxeeyaa 300-500 mm.
Tirada dadka ku nool deegaanka waxa lagu qiyaasaa 8.4 million (Tiro-koobkii la sameeyey 2007 - CSA census), 86% shacabka deegaanka waxay ku nool yihiin dhulka miyiga ah badankooduna waa xoolo-dhaqatoMaamul ahaan degaanku wuxuu ka kooban yahay 11 Gobol,6 maamul magaalo iyo 93 degmo.
|ciwaan=
ignored (caawin)
|title=
(caawin)