Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha: |
Shaqsiyaad Muhiim ah
|
Tiirarka Islaamka (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : Five Pillars of Islam; arkān al-Islām; Sidoo kale arkān al-dīn أركان الدين) waa shanta tiir ee aasaaska u ah diinta Islaamka, kuwaasi oo ah waajib (fardi) laga rabo iney u hoggaansanaadaan dhammaan dadka Muslimka ah.[1][2][3][4]
Sida ku xusan xadiiska iyo sunaha, shanta tiir ee Islaamku waa:
Sharaxaad yar o kooban o ku saabsan fahanka macnaha "Cibaado”
Waa maxay "Cibaado" ?
1)- caabudid (العبادة): waa erey ka yimid ficilka: (عبد ـ يعبدُ ـ عبادة) , oo ah: (waa u hoggaansamey- waa u hoggaansamayaa- hoggaansamid)
Asalka ficilka (عبد), waa jilicsanaan, iyo wax laylisan ahaansho. Waxay carabtu oran jireen: (بعير مُعبَّد), rati hayin ah (laylisan), (طريق مُعبَّد), waddo baxsan (hagaagsan). Sidaa darteed, ereyga: waa u caabudey (عبد), saddex macne oo wada hoggaansamid ah baa loo adeegsadaa:
(kan hore) waa qof markii laga adkaaday addoonsigii qabatimay oo hoggaansamey. Sida aayadahaan: -" فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ" (المؤمنون:47) -" وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدْتَ بَنِي إِسْرَائِيلَ" (الشعراء:22)
(kan labaad) waa qofkoo ikhtiyaarkiisa cid addeeca una hoggaansama, jeclaan uu ciddaa jecel yahay, ama waxay ugu yeerayaan jecel yahay, ama dano uu ku ilaashanayo darteed. Wuxuu Allaah yiri: -"أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُبِينٌ. وَأَنِ اعْبُدُونِي هَذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ" (يس:60-61) Lama sheegin qolo Shaydaanka “sujuud” ku caabudda - ummaduhu waa wada lacnadayeen - waxayse ku wada caabudi jireen “addeecid”, iyo xumiduu ugu yeero, oo ay fulin jireen.
(kan saddexaad) waa qofkoo cidduu awoodda u rumeeyey la aadaya ficillo uu ku weyneynayo, baahidiisana ku muujinayo. Waa sida sujuud, dawaaf, wax u bireyn, u yeerasho, magan gelid iyo wixii arrimahaa la baab ah. -" وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللَّهِ مَنْ لَا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَنْ دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ. وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ" (الأحقاف: 5-6) -" وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلَاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللَّهِ" (يونس:18) -" وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللَّهِ زُلْفَى" (الزمر:3)