Qoys (Af Carabi : ar Af-Taliyaani : famiglia Af Ingiriis : family) waa dad ka kooban dhowr qof, ugu yaraan labo qof (seey iyo xaas), kuwaas oo hal aqal wada degan. Qoysku waa waalid (hooyo iyo aabo), aboowe iyo abaayo (ubadka), ilmaha, ciyaalka, caruurta iyo dad qaraabo ah oo hal meel ku wada nool.
Kuwa reerka ka tirsan waa inay isjeclaadaan. Nimanka waa inay xilkooda fuliyaan. Ninku waa inuu naagtiisa jeclaado. Ninku ma ahan inuu naagtiisa xumeeyo. Nimanka waxaa saaran xilka masruufka reerkooda. Naagtu waa inay ninkeeda ixtiraamto. Waalidku waa inay carruurtooda sharciyada Ilaahay ku koriyaan. Yehowah wuxuu rabaa inay carruurtu jawi jacayl badan ku koraan.
Xadgudubka qoyska waxaa la yidhaahda qoystakoor.